Baydhabo(INO)-Kulun Balaraan isla markaan Uu soo Qaban qaabiyey Ururka Arlaadi Aid ayaa Ka Dhacey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, Isla markaana Ay soo Ka Qiib Galeen Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya,Aqoonyahno, Odayaal iyo Bulshada rayidka ah ee Baydhabo.
Ujeeda kulun ayaa lagu sheegey daah furka ururka Arlaadii Aid oo ka Howl gala Gobolada Koonfurta soomaaliya, isla markaana ka shaqeeya u gargaarida Dadka Tabaaleysan ee ku nool Gobolada Koonfurta Galbeed Soomaaliya.
Ugu Horeyn waxa kulunka Ka hadley Prof. Maxamed Cabdi Kalaay Oo Ka mid ah aqoonyahnada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markana ah Hormuudka Jaamacada Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo” Waa Soo dhaweyneyna Ururka Arlaadii Aid, Sida Na loo Sheegey wuxu jira 4 bilood , waxaana Rajeynayna intan Mashruuc ee Halkan Ugu Qoran in ay fuliyaan” ayuu yiri Proff. Kalaay.
Sidoo kale, Malaaq Deerow Oo Ah afhayeenka Gollaha Odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa isna Sheegey in uu aad ugu Faraxsan yahay, ururka Arlaadii Aid ee Baydhabo maanta Lagu daah furey” Aad iyo aad Baynu ugu faraxsanahay, Waa aynu soo dhaweyneynaa, Qof weliba Masuuliyad ayaa Saaran, Waana in qofkasta Kaalintiisu uu qaato waaye, waxaan ugu baaqaya Dadka Dibadaha jira Ee Kiishkooda Buuran in ay Sii laba labaan dadaalkooda” waxaa Sidaas Yiri Malaaq Deerow.
Dhan kale, Waxa isna Goobta hadal kooban ka jeediyey wasiir ku xigeenka wasaaraddaa Waxbarashada Iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Eng. Jibriil Maxamuud Aadan ” Runtii Dadkii Soo Aas Aasey Ururka Gargaarka Arlaadii (Arlaadi Aid), Waxay Soo sameeyeen Wax Aad Muhiim u ah waana wax farxad ah oo Dareenkeena Shideyso weeye, waa aynu Soo dhaweeynayna Ururka” Ayuu yiri Wasiir Jibriil.
Geba Gabadii waxaa Hadalka Qaatey, Ibraahim Axmed Ibraahim oo ah wakiilka Ururka Arlaadi Aid Ee Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona carabka u adkeeyey in ay ku daali doonaan Horumarinta Arimaha Bulshada iyo Arimaha Bini’adanimada.
” Ururkan Arlaadi Aid Waxa lagu Yagleeley Gobolka Minisata ee dalka mareykanka, waxaana Aas Aasey Dad Aqoonyahno ah oo Ka Soojeeda Degaanada KGS , waana Xaruntiisa Halkaasi weeye, Mudo 4 bilood ka hor ayaa Lagu Dhawaaqey ururkani , iyadoo Mudadaasi kooban Uu Jiro Ururka Hadana waxaan Biyo Dhaamin ka Sameeyney Baydhabo iyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, waxaan Rajeyneynaa in Wax badan aynu Qaban Doono” Ayuu yiri Ibraahim Axmed Ibraahim, Wakiilka Arlaadi Aid.
Ugu Dambeyntii, gobolada KG Soomaaliya ayaa waxa ku nool dad tabaaleysan isla markaana ay ku adagtey in helaan Wax ka yar Hal Dollar Maalintii , kuwaasoo U Baahan in loo gargaaro walow ay jiraan hay’ado iyo ururo kale oo Aan Dowliga ahayn oo tira badan, kuwaaso la Dhaliiley Isku dabaridka Howlahooda Gargaar iyadoona aaney jirin Dowlad Si rasmi ahi u La Xisaabtanto ama Maamul.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.