Muqdisho(INO)-Saddex ruux oo dhalinyaro ah ayaa ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen, xilli raggaan ay ku mashquulsanaayeen Aasida waxyaabaha qarxa.
Raggan ayeey ciidamada ammaanka Soomaaliya ay qabteen, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen ciidamada in rag aasaya waxyaabaha qarxa ay ku arkeen wadada laamiga ah ee kasoo baxda Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ee toos u gasha Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cali Siyaad, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen raggaan, kadibna uu isaga la xiriiray ciidamada ammaanka Dowladda, gaar ahaan kuwa qaabilsan dhanka miinooyinka, kadibna miinada la kala fur-furay, waxa ayna ciidamada soo qabteen saddex ruux oo la sheegay in miinada ay halkaasi dhigeen.
Axmed Nuur Cali Siyaad ayaa sheegay in ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ay wateen saddexdii ruux ee miinada dhigay, wuxuuna shacabka uga mahadceliyay sida ay ugu soo gudbiyeen xogta la xiriirta dhanka ammaanka.
Nooca Miinada ayaa aheyd mida lagu aaso dhulka ee Rimuut-koontaroolka laga hago, sida Guddoomiyaha uu sheegay.
Dhalinyarada u shaqeysa Ururka Shabaab ayaa si caaboon uga geysta Magaalada Muqdisho falalka la xiriira dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho.
Muddo bil ka hor ayeey aheyd markii Xaafada Shanta Geed ee Degmada Howlwadaag ciidamada ammaanka Dowladda ay kasoo saareen Miino halkaasi la dhigay.
Idale News Online, Muqdisho.