Baydhabo(INO)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo haatan socdaal ku maraya Puntland ayaa lagu wadaa in bilawga toddobaadka soo socda socdaal ku tago dalka Mareykank sida ay IdaleNews.com u xaqiijiyen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Safarka Ra’iisal Wasaaraha ku tagaya Mareykanka ayaa ujeedada ugu weyn waxaa waaye sidii Xukuumaddiisa ugu heli lahaa taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyadoo haatan Xukuumadda Soomaaliya soo wajahay xaalad dhaqaale xumo aad u weyn, badi dowladihii beesha caalamkuna ay siyaasada dowlada ay si aadna uga niyad jabeen.
Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa safarkiisa ku wehelinaya Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Safiir Dowlada Somalia uga wakiilka noqon doona xarunta Qaramada Midoobey ee New York, faaduma Insaaniya, iyo wasiiro kale.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa waxa Ra’iisul Wasaare Cumar, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe safarkooda isku soo beegay hase yeeshe Shariif Xasan ayaa lagu yaqaana siyaasad isbedbedel badan iyo inuu dantiisa meel walba u galo. isagoo sidoo kalena aad u daneynaaya inuu galaangal siyaasadeed ku yeesho geedi socodka 2016
Imaanshaha wafuudaan ka socota maamul goboleedyada Koonfur Galbeed Somalia iyo Jubaland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ku imaadeaan dalka Mareykanka, waxaana warar hoose ay idalenews heshay sheegaayaan in labada maamul ay daneynayaan la kulanka Jaaliyada balaaran ee gobolka Minnesota, oo u badan taageerayaasha Madaxweynaha Jubaland.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan ayaa socdaalkiisa uu ku wehlinaaya Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe u tahay fursad uu dad badan oo Soomaaliyeed ula kulma, isla markaasna uga dhaadhiciyo damacihiisa siyaasadeed ee Madaxtinimada Somalia marka la gaaro sanadda 2016
Idale News Online, Baidoa.