Daawo Sawiradda: Madaxweynaha Dowlada KGS Oo Xariga Ka Jarey Madaxtooyada Cusub Ee KGS

0
239

Baydhabo(INO)-Munaasabad Balaaran  oo  Xariga Looga Jaraayey Dhismaha Cusub ee Madaxtooyada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Ka Dhacdey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Munaasabada  ayaa waxa ka soo qiib galayey wasiiro Ka Tirsan KGS, Odayaasha Gollaha guurtidda ee koonfur Galbeed Soomaaliya , Maamulka Gobolka Bay, Kan Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Ayaa Xaiga Ka Jarey, Madaxtooyada Cusub ee KGS, wuxuuna uu sheegey in tani ay  tahay hormar bilow ah isla markaana, Sii Soco doonto, Wax qabadka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan rabnaa in dadaalkeena isugu gayno inaynu beddelno wajiga Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ay leedahay, waxaan mar walba xoogga saaraynaa baahida muhiimka ah sida nabad Galiyada,  waddooyinka, Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena in wax badan aanu ka qabano, Hadaan nabad-gelyo jirin horumar lama gaarayo, horumarkuna waxaa uu ku xiran yahay nabad-gelyada, cidna dawladdu gorgortan kala gelimayso nabadgelyada iyo jiritaanka  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Idale News Online,Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here