Muqdisho(INO)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho kawadaan Howlgalo baaxad weyn oo lagu xaqiijinaayo Amaanka Magaalada Muqdisho.
Ciidamada oo kaashanaayo xogo kala duwan ayaa waxa ay sanka la raacayaan goobaha laga qalqal galiyo Amaanka Magaalo madaxda dalka, waxa ayna inta badan gacanta ku dhigaan dhalinyaro looga shakiyo qalqal galinta amaanka.
Waxaa inta badan wadooyinka soo buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ka feejigan qalqal galin ku imaada dhanka Amaanka waxa ayna har iyo habeen u soo jeedan sidii Muqdisho looga saari lahaa amaan darida islamarkaana ay shacabku ugu diirsan lahaayen Howlaha hufan oo ay Ciidamadu kawadaan Magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii wadooyinka Magaalada Muqdisho loo sameeyay Ciidamo ka hortaga weerarada ka imaanaya dhanka Alshabaab ayaa waxaa magaalada laga dareemayay xasilooni, iyadoona inta badan gudaha xaafadaha lagu faafiyay Ciidamo dharcad oo ka hortaga falalka lidiga ku ah Amaanka.
Jawiga Muqdisho ayaa maalmahaani ah mid kasoo reynaayo qalalaasihii ka dhacay Asbuucyadii kasii horeyay.
Waxaa mudooyinkaani dambe bilowday xiriiro dhexmara shacabka magaalada iyo Ciidamada, iyadoona inta badan aad arkeyso Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo ku duulayo xogo ay ka heleen dadka shacabka ah.
Idale News Online, Muqdisho.