Daawo: Madaxweynaha Dowlada KGS Oo 400 Askari Tababar Ugu Soo Xirey Baydhabo Janaay

0
286

Baydhabo(INO)-Dowlada  Koonfur galbeed ayaa maanta  tababar ugu soo xirtay Magaalada Baydhabo ku dhawaad 400 oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Milatariga Maamulkaasi.

ciidamada koonfur galbeed 5

Wasiirka Tababarada, Hub ka dhigista iyo dhaqancalinta Mudane Xassan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaan ay isugu jiraan 200 oo Boolis ah iyo 160 ka tirsan Ciidamada Millatariga Maamulka Koofur galbeed.

 Wasiir Xassan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaan loo tabababaray inay ka shaqeeyaan sugida Nabadgalyada Gobolada Sadexda ah ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Ciidamadaan ay hordhac u yihiin Boqolaal Askari oo Maamulka uu tababarayo.

Wasiirka Tababarada, Hub ka dhigista iyo dhaqancalinta ayaa sheegay in Ciidamo awood leh oo uu yeesho Maamulka Koofur galbeed ay meesha ka saareyso in cid aan aheyn Koonfur galbeed ay hub ka dhex sidato Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa bilwogii doorashadiisa sheegay in Maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha Ciidamo awood leh oo ka howllgala Sadexda Gobol.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay inta gacanta ka geysatay tabarkaasi iyo tayenta ciidanka Koonfur Galbeed oo aay ugu horeeyan ciidanka nabad ilaalinta AMISON.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here