Gudoomiyeyaal degmo xilka laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay +Akhriso wareegtada

0
316

Muqdisho(INO)-War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Sida ay sheegayaan wararka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo jeediyay xil ka qaadista Gudoomiyeyaashan, iyo magacaabista labada Gudoomiye cusub.

Wareegtada oo nuqul ka mid ah ay heshay Warbaahinta Idale News Online  ayaa waxaa xilalka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Hodan C/qaadir Cali Kulane, waxaana lagu bedelay Marwo Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo noqoneysa haweeneydii u horeysay ee Gudoomiye looga dhigo degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyihii degmada Dharkeenley Aadan Maxamed Cumar ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay Cumar Meyre Mocow.

Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley Xaawo Kiin Maxamuud Cali iyo Cumar Meyre Mocow

Xilka qaadistan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee lagu sameeyo Gudoomiyeyaal degmo, tan iyo markii sanadkii hore is bedelkii ugu ballaarnaa lagu sameeyay Gudoomiyeyaashii degmooyinka ee mudada xilka hayay.

Gudoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ee Hodan iyo Dharkeenley C/qaadir Cali Kulane iyo Aadan Maxamed Cumar

wareegtadawareegtada1Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here