DF Soomaaliya Oo Baxar Gelisay Soomaalida Dalka Yemen +Cadeymo

0
210

Muqdisho(INO)-Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo inay isticmaalaan Hawada iyo Badda, si ay uga weeraraan Jabhada Xuutiyiinta ee isku dayaya inay xoog ku qabsadaan dalka Yemen oo dhan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay qaateen siyaasad cad oo ku wajahan in Xaalada Yemen, iyagoo ka soo horjeeda in xoog lagu bedelo dowladda sharciga ah.

“Anaga waxaa nahay Wadan ka mid ah Jaamacadda Carabta, waxaa qaadanay siyaasad ay dalalka Jaamacada Carabta qaadanayeen, anaga waa ka soo horjeednaa meel walba oo ay tahay xukun lagu kala bedelo xoog, Yemen waa sida wadankeena oo kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ogol yihiin in la isticmaalo hawada, dhulka iyo Badda Soomaaliya, hadii loo baahdana la isticmaalo karo sida uu yiri.

“Hadii loo baahdo Hawadeena, Baddeena iyo dhulkeena in la isticmaalo waa ogolaanay”ayuu yiri C/salaan Hadliye.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya oo bur bursan ay is bedeshay lix dowladood oo si sharci ah ku kala wareegay, isla markaana aanay aqbaleyn in dowladda Yemen ee sharciga ah in xoog lagu bedelo.

Mar la weydiiyay sida lagu bad baadin karo qaxootiga Soomaalida ee ku xayiran Yemen, ayuu sheegay inay raadinayaan xal ah sidii dadkaas maraakiib lagu soo daad-gureyn lahaa.

Isbaheysiga wadamada Khaliijka ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka dhan ah Jabhadda Xuutiyiinta ka wada dalka Yemen, iyadoo jabhadan ay isku dayayaan inay la wareegaan dalka oo dhan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here