Muqdisho(INO)-Sida ay kusoo waramayaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab uu kulamo gaar gaar ah la qaadanaayo Xubnaha sare ee Maamulka Gobolka.
Wararku waxa ay sheegayaan in Mungaab uu xubnahaasi ku wargalinaayo inay suuragal tahay in lagu sameeyo xil ka qaadis, islamarkaana looga baahan yahay inay muujiyaan dhabar adeeg.
Waxa uu sheegay in hadii laga qaado ay sidoo kale suuragal tahay in xil ka qaadis ceynkaasi ah lagu sameeyo ku-xigeeno badan iyo weliba Gudoomiyayaasha Degmooyinka, loona baahan yahay in si KMG ah loo sii xoojiyo howlaha Gobolka.
Mungaab ayaa Ergooyin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, si xal Siyaasadeed looga gaaro isbedelada deg dega ah ee socda, waxaana suuragal ah inuu waayo xil, maadaama mudooyinkaani dambe lagu dhaliilaayay inuu ka mashquulay arrimaha khuseeya Gobolka.
Siyaasiyiinta qaar ayaa iyagu aaminsan in xil ka qaadista lala damacsan yahay Mungaab ay gadaal ka riixayaan qaar kamid ah Siyaasiyiinta Dam-Jadiid kana soo jeeda Beesha abgaal gaar ahaan Lafta uu kasoo jeedo Mungaab, halka qaarna ay ka aaminsan yihiin inuu jiro Khilaaf kala dhexeeya Xassan Sheekh.
Ugu dambeyntii, Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa aaminsan hadii isbadal lagu sameeyo Maamulka Gobolka Banaadir in ay wax badan isbadali doonaan , hadiisa lagu fiirsado loona daayo maamulka hada jira ay xilka sii hayaan ay arintu noqon doonto ‘’jug jug meeshaada jog’.
Idale News Online, Muqdisho.