Dhageyso:Dagaal Ooge Dhaliiley Heshiiskii Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
373
Marka(INO)-Dagaal-ooge Cali Nuure oo horay uga tirsanaa Maamulkii fashilmay ee la magac baxay shabelle state  oo hadana sheeganaya inuu ay  yahay mas’uul ka tirsan Maamulka gobolka shabeelada hoose ayaa sheegay in heshiiskii lagu gaaray Degmada afgooye uu ahaa kaliya mid afka laga gaaray oo aan waxba ka dhaqan galin.
marka

Qabqablahan dagaal oogaha ah oo  la hadlayey Warbaahinta ayaa ku hadaaqay in wax badan ay qabsoomin welina uu jiri doono shirar kale oo shirqool ah.

Dagaal ooge Cali Nuure  sarkaalkii hore ee Shabelle state ayaa sidoo kale ka hadlaya amni daro  ka jira Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxo isu soo ekeesiiyo Shabaab oo la ogaaday inay kamid ahaayeen kooxihii u ololeenayey Maamulkii dhibaatada badan ka geystay gudaha gobolka ee Shabelle State  ayaa weli wada dadaalkoodii ay ku doonayeen inay magaalada ku qal qal geliyaan si ay nabad uga hana qaadin gobolka.

Waxaana ugu dambeysay shalay oo ay bambaanooyin ku weerareen suuqa magaalada xilli magaalada uu kasii amba baxaayey madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here