Bosaaso(INO)-Xoogag hubaysan ayaa Caawa weerar ka geysteen Maagalada goobo ku yaala Magaalad Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Weerarka ugu horeeya ayaa ka dhacay bar koontarool ah oo ay fadhiyeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntaland waxaana halkaas ka dhacay weerar in mud ah socady.
Weerarka labaad ayaa isagana waxa uu ka dhacay guri magaalada Boosaaso uu ka degenyahay Maxamed Cali Shiri Gudoomiyaha Degmada Carmo weerarka lagu qaaday guriga gudoomiyaha ayaa waxa ku geeriyooday siday wararku sheegayaan laba ka mid ah ilaalada Guriga.
Ciidamada Amaanka ee Maamulka oo feejigan ayaa caawa lagu arkayaa wadooyinka iyagoo sugaya amaanaka xilli ay ka cabsi qabaan inay dhacaan weeraro kale.
Inta badan magaalada xarunta u ah Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa waxa ka dhaca weearo hubaysan waxaana weli jira amaandari inmuda ah soo jiitamaysay.
Idale News Online, Bosaaso