Dhageyso:fartaag oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha Baarlamaanka Jubbaland

0
230

Kismaayo(INO)-Madaxwayne Kuxigeenka Maamulka Jubba C/llaahi Sheekh Cismaaciil Fartaag ayaa Sheegay in dhismihii Baarlamaanka Jubbaland uu marayo heer gabo gabo ah ,ayna ku rajo wayn yihiin in baarlamaanku uu soo gaba gaboowo dhismihiisa.

fartaag

General Fartaag ayaa yiri “waxaan aad ugu farax sanahay sida fiican oo ay ku socoto,hawsha xulista Baarlamaanka Jubbaland,waxaan xiligan gacanta ku haya Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan belaha dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo.”

wuxuu fartaag iska fogeeyay eedayn loo jeediyey Beesha uu ka soo jeedo wuxuuna jawaab ka bixiyey qaabka ay beeshiisu ugu hanqal taagayso sad bursiga iyo in ay helaan xildhibaano ka badan inta ay hada heleen.

Fartaag wuxuu faah-faahin ka bixiyey qaabka wax usocdaan,wuxuuna siwayn ooga hadalay marxalada adag ee xiligan ay ku jiraa Odayaasha dhaqanka iyo is qab qabsiga Beelaha Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal ugu jira sidii ay u yeelan lahaayeen Baarlamaan dhameystiran, waxana dadaaladaasi daba socda Eedeymo kala duwan oo ka imaanaya beelaha dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here