Nairobi(INO)–Kenya, ayaa waxay xaqiiqsatay in dableydii weerartay Jaamacadda Magaalada Garissa, ay ka yimaaden xeryaha qaxootiga Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Waxaa jira warar sheegaya in raggaasi ay lug ku taggeen Magaalada Garissa, markii dambena ay xagga Jaamacadda u raaceen gaari taksi ah, oo aan ilaa iyo hadda taargadiisa la garanayn.
Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo laga soo doortay Degmada Dhadhaab, ayaa sheegay in lagu kalsoon yahay in raggaasi ay ka taggeen dhinaca xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab, sida uu yiri.
Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay baareyso dhiigga raggaasi, si loo ogaado dalka ay u dhasheen. Wararka qaar waxay muujinayan in Kenyan yihiin, halka warar kalana ay sheegayan in Soomaali yihiin.
Raggan, ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku hadlayen luqada Sawaxiga, lagana hagaayay teleefanadoodii gacanta, mudadii uu socday weerarka Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa.
Weerarkii lagu wiiqay rugtii ganacsiga ee Westgate, ayaa la tilmaamaa in raggii weeraray ay ka yimaaden xeryaha qaxootiga, inkastoo aan xaqiiqda loo hayan.
Shacabka reer Kenya, ayaa u baroordiiqaya 147 ruux oo Khamiistii lagu laayay weerarkii qorsheysnaa, ee Ururka Al Shabaab ku qaadeen Xarunta Jaamacadda Magaalada Garissa.
Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ku cago jugleeyay inay sii socon doonaan weerarada ka dhanka ah dalka Kenya, haddii aysan Kenya ciidamadeeda kala bixin Somaliya.
Idale News Online, Nairobi