Washingtong(INO)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa telefoonka kula xidhiidhay dhigiisa Kenya, si uu u cambaareeyo weerarkii ay al-Shabaab.
Khamiistii ku qaaday jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhimatay 147 qof oo arday u badan.
Madaxweyne Obama ayaa weerarka ku tilmaamay ficil aad u xun, waxaana uu intaa ku daray in dhammaadka sanadkan uu booqasho ku tegi doono Kenya.
Booliska magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyay ay ku hadlayeen luuqada Sawaaxiliga, balse ay u muuqdeen kuwa laga hagayo telefoonadooda.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in la helay afar qof oo dheeraad ah oo ka bad baaday weerarkii Khamiistii, laba ka mid ahna ay yihiin la tuhunsanayaal.