Marka(INO)– Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa booqasho ku jooga gobalka Shabeelada Hoose, gaar ahaana magaalada Marka, halkaas oo uu wada xaajoodyo ku leeyahay duqowda dhaqanka ee gobalka oo ay ka wada hadlayaan dhismaha dawlad gobaleedkaas iyo hanaanka maamulka.
Madaxweyne Shariif ayaa ka soo baxay magaalada Muqdisho, wuxuuna safar dhinaca dhulka ah ku marayaa guud ahaan gobalka Shabeelada Hoose, isagoo ukuurgalaya xaaladaha gobalkas iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaada udhaxeysa beelaha gobalka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadyay Odayaasha dhaqanka ee gobalkaas ayaa balan qaaday taageero dheeraad ah oolasiinayo gobalka, wuxuuna sheegay in la kordhin doono ciidamada ka howlgala ee hoos yimaada maamulkiisa.
Isagoo ugu baaqay dhamaanba Maleeshiyada kusugan gobalka in ay ka mid noqdaan ciidamada Maamulka Koonfur galbeed si loo helo ciidamo dhisan oo uu yeesho maamulkaas.
Odayaasha dhaqanka ayaa ka codsaday Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden, in la kordhiyo xubnaha xildhibaanada ah ee laga siiyey baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa ayna codsadeen in ay helaan tirada ay xaqa uleeyihiin ee baarlamaanka.
Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa booqashadiisa gobalkan ay qeyb ka tahay balan-qaadyadii Maamulkiisa, wuxuuna sidan oo kale booqan doonaa deegaanadii horay loogu dagaalamay ee gobalka Shabeelada Hoose.
Idale News Online, Marka