Mosow(INO)-Aragtida noolahaan waxay kaa dhigeysaa sida qof riyoonaya oo kale sababtoo ah waa xayawaan leh weji bani’aadam.
Waa nayl ama lax yar oo leh weji bani’aadam, taasoo ka yaabisay ninkii baaraleyda ahaa ee ay u dhalatay si la mid ah xaafaddii uu ku noolaa.
Ninka xanaaneeya idaha Blasius Lavrentiev oo 45 sanno jir ah, ayaa sugayey Isbuuc dhan dhalashada nayshaan. Laakiin markii ugu dambeyntii ay dhalatay nayshaani wuu rumeysan waayey inay leedahay wejiga bani’aadamka oo kale. Waana mucjiso cusub oo layaab ku ah adduunkaan aan ku noolnahay.
Mana ahan wax lala yaabo inay nayshaani noqotay hadalheynta ugu badan ee xaafadda Dagestan ee dalka Russia.
Idale News Online,Mosow