Muqdisho(INO)-Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in mar kale ay albaabada isugu dhufteen oo ay Hawadda ka saareen Idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacadda ayaa u sheegay Warbaahinta in sababta ay Ciidamada u xireen Warbaahinta ay tahay, baahinta War uu Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere kaga hadlayay Weerarkii shalay ay Al Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa.
Sidoo kale Wararka waxa ay sheegayaan in Ciidamada ay kaxeysteen dhamaan Shaqaalahii ku sugnaa Labada Idaacadood, kuwaasi oo taleefanadooda hawadda laga saaray.
Labada Idaacadooda ee Shabeelle iyo SKY ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Hawadda kadib markii bishii Octobar ee dhamaadkii sanadkii 2013 ay xirtay Dowladda, markaasi oo lagu eedeeyay been abuur iyo aflagaado Qaran.
Isla xiligaasi October 2013 waxaa la xiray 4 ka mid ah Wariyayaasha oo uu ku jiray Milkiilaha labada Warbaahin, kuwaasi oo dhawaan Sadex ka mid ah Xabsiga laga sii daayay.
Idale News Online, Muqdisho.