Sanca(INO)-Waxaa sii xoogeysanaaya weerarada ay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ah ka geysanayaan gudaha iyo daafaha Magaalada Sanca ee Xarunta dalka Yemen.
Xuuthiyiinta oo wata dabaabaadka dagaalka, ayaa waxay guulo ka gaarayan maleeshiyaad maxali ah oo qaab beeleed u abaabulan, kuwaa oo ujeedkoodu yahay inay difaacdan gacan ku haynta Magaalada Cadan.
Weerarada ay xulafada Sacuudiga ka geysanayaan Xarumaha Xuutiyiinta ayaa sii xoojinaaya Colaadaha ka dhex aloolsan Ciidamada Dowlada Yemen oo garab ka helaayo Kooxo abaabulan iyo Xuutiyiinta oo dhinac ah.
Xuuthiyiinta, ayaa waxaa la soo sheegayaa in yoolkoodu uu yahay inay si rasmi ah ula wareegan Magaalada Cadan, si ay ula mataaneyan Magaalada Sanca oo inteeda badan ku jirto gacantooda.
Sidoo kale, inta badan wadooyinka ayaa waxaa buux dhaafiyay Meydad fara badan kuwaasi oo yaalla deganaana ay maalmahanba isaga barakacayen.
Dhanka kale, Telefishinka Qaranka Yemen oo Xuuthiyiintu maamulan, ayaa baahiyay in dagaal qaraar uu maanta ka soconayo Magaalada Cadan.