Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyey Ardayda Jaamacadda Garissa Oo Qaarkood Loo Gurmaday Iyagoo Argagaxsan

0
223

Garisa(INO)-Ciidanka Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Kenya, ayaa waxay gurmad u fidiyen qaar ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda Magaalada Garissa, xilli saakay ay weerar qorsheysan ku qaadeen niman hubeysan.

Ardayda waxaa Dhismaha Jaamacadda qaarkood laga soo saaray iyagoo argagaxsan, waxayna qaarkood sheegeen in iyagoo xaalad caadi ah ku hurda, in markeliya ay hurdada kaga tooseen dhawaaqa rasaasta nool nool.

Ardaydu waxay Warbaahinta Kenya u sheegeen inay garan kari waayeen halka leesku heysto. Arrinta rasaasta sii cusleysana ay tahay Dhismaha Jaamacadda, oo xoojinaayay daryanka rasaasta, sida ay sheegeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Kenya haweeneyda lagu magacaabo Sipporah Mboroki, ayaa waxay sheegtay in Ciidamada Kenya ay wadaan hawlgal xoog leh oo lagu soo gaba gabeenaayo raggii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Mucab, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayan Jaamacadda Magaalada Garissa.

Afhayeenka oo la hadlay Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa ku waramaya in weerarkasi uu ahaa mid qorsheysan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.

Hay’adda Bisha Cas Kenya iyo Saraakiisha Booliska, ayaa waxay sheegeen in weerarka lagu dilay ugu yaraan laba qof oo ka tirsan ilaalada Jaamacadda.

Waxay kaloo sheegeen in goobaha caafimaadka ee Magaalada Garissa in la dhigay dhaawacyada in ka badan 40 qof ah, oo waxyeelo kala duwan uu weerarkasi ka soo gaaray.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here