4-dhimasho ah & 30 Dhaawacyo ah, Weerarkii Jaamacadda Garissa

0
306

Garissa (INO) – Weerar Saakay Billowday oo ilaa hadda aysan Dowladda Kenya Xaqiijin in ay soo Afjartay ayaa la shaaciyay in ilaa hadda ay ku dhinteen 4 qof oo Labo tahay Ilaaladii Jaamacadda sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 30 kale oo Labo Booliska ka tirsan ay ku jiraan.

Teaser Image 4-dhimasho ah & 30 Dhaawacyo ah, Weerarkii Jaamacadda Garissa

Wakaaladaha wararka ee Dalka Kenya ayaa sheegay in ay dhinteen Afar qof oo Labo tahay Ilaalada Goobta iyo Laba aan la Aqoonsan, sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ardaydii meesha joogtay, Macallimiin iyo shaqaalihii kale ee Jaamacadda ay weli Gudaha kula jiraan Kooxda Weerarka qaadday Saakay wax yar ka hor Salaadda Subax.

Weli Rasaasta waa la Maqlayaa, sidoo kale Uuro madow ayaa socota, taasoo la’aaminsanyahay in ay ka dhalatay Library-ga Jaamacadda oo Gubanaya, Kooxda Weerarka qaadday lama Aqoonsan Halka ay ka yimaadeen iyo cidda ay ka Tirsanyihiin mana Jirto Koox Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaas.

Al-shabaabka Soomaaliya ka Dagaallama ayaa Dhowaanahan weday Beegsiga meelo Gaar ah oo Dalka Kenya ka mid ah, waxayna meesha ka saareen Amaankii Kenya ee leysku halleyn karay ka hor intii aysan Dalka Soomaaliya Ciidankoodu soo Gelin Sanadkii 2011-kii.

Faafaahinta la Soco Goordhow.

Idale News Online – Gaarisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here