Baydhabo(INO) — Jaamacada Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta qabatay dood-cilmiyeed looga dooday nabadda iyo is-dhexgalka bulshada taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya sida wasiirka amniga, C/fataax Ibraahim Geesey iyo guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow.
Sababaha loo qabtay dooddan ayaa waxaa ka mid ah iyadoo Baydhabo ay ka dhacayeen todobaadyadii lasoo dhaafay falal lagu dilay nabaddoonno iyo culummaa’uddiin; sidaas awgeed ayaa Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya u qabatay dood-cilmiyeedkan oo loogu magac-daray todobaadka nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.
Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ah hormuudka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo ka hadlay ayaa xusay in barnaamijkan uu soconayo todobaadkan, iyadoo la isku-dhaafsan doono arrimo ku saabsan nabadda.
Sidoo kale, waxaa dooddan ka hadlay wasiirka Amniga ee Koonfur-galbeed, Cabdifataax Geesey iyo afhayeenka aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliyeed, Dr. Fowzi Cabdi Nuur, oo labaduba si aad ah uga hadlay muhiimadda weyn ee ay nabaddu u leedahay bulshada.
Ugu dambeyn, waxaa doodad ka hadlay gudoomiyaha gobalka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo sheegay in bulshada ku nool Baydhabo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa nabad; taasoo lagu gaari karo horumar bulshadeed.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo