Muqdisho(INO)-Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Sh/hoose ayaa banneeyey degmooyin ka tirsan Gobolkaas, kaddib markii sida wararka lagu helayo uu burburay heshiis ay horay u kala saxiixdeen AMISOM iyo Madaxweyne Xassan Sheekh.
Xubno ku dhowdhow Madaxtooyada Villa Somalia waxey sheegeen in AMISOM iyo Xassan Sheekh ay ku heshiiyeen in laga kiciyo ciidamo Dowladda ka tirsan ee jid-gooyadu u taal waddada ka timaada Walaweyn ee soo marta Afgooye, soona gasha Xamar; iyada oo ciidamadaasi oo heyb ahaan loo tirinayey reerka madaxweynaha lagu balamay in ugu dambeyn 1-da Febraayo Madaxweynuhu goobta ka kiciyo.
Sarkaal ka tirsan AMISOM wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ciidamadaasi ay dhibaatooyin ku hayaan gaadiidka dadweynaha, iyaga oo huwan magacii Dowladda; waxaana ay lacago baad ah ka qaataan baabuurta BL-ka ah.
“Maleeshiyooyinkaasi waxeey ag degan yihiin goobaha farriisimada u ah AMISOM, waxaa loo fahmay in AMISOM ay ku waardiyeynayaan in ay halkaasi lacago baad ah baabuurta iyo dadweynaha kaga qaataan; Madaxweynuhu markii balantii uu ka soo bixi waayey AMISOM waa isaga soo baxday” Ayuu yiri sarkaalkaas, isaga oo intaa ku daray in AMISOM ay u timid dalka in ay gacan ka siiso Dowladda Soomaaliya sidii ay u soo celin laheyd haykalkii sharciga iyo kala dambeynta, isla markaana aysan u dulqaadan karin in ay goob joog u noqdaan iyadii oo maleeshiyooyin xiran dharka ciidamada ay dhibaatooyin u geysanayaan shacabkii ay hubka u qaateen badbaadintiisa.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii oo ay wareysatay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maamulkooda ay la yaab ku noqotay markii ay si kedis ah uga war heleen ciidamada AMISOM oo faarujiyey tuulooyinka Sabiib, Awdheegle iyo Bariire.
“Ciidamada AMISOM waxay si kedis uga baxeen Awdheegle, Bariire iyo Sabiib, mana nagula wargelin, markii aan weydiinay waxay noo sheegeen inuu jiray heshiis 22-kii Janaayo dhex maray dowladda Soomaaliya oo ahaa in fariisimaha AMISOM lagu wareejiyo Ciidamada Xooga dalka”ayuu yiri C/qaadir Siidii.
Dowladda Soomaaliya ayaa walaaca ugu weyn waxa uu ka haystaa in goobaha ay banneeyey AMISOM inay soo galaan ciidamada Alshabaab.
Idale News Online, Muqdisho