Wafdi Dowlada Federaalka Somalia iyo Abaaduule ka socda ciidanka AMISON una dhashey Dalka Jabuuti oo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo laga soo celiyey maanta

0
216

Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa maanta laga soo celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan magaalada.

Wafdigan oo isugu jiray labo qeybood ayaa qeybta hore oo diyaarada saakay Muqdisho ka qaaday ahaayeen Kooxo Saxafiyiin ah, iyadoo markii ay geysay magaalada Kismaayo ay diyaarada dib Muqdisho ugu soo laabatay Muqdisho kana qaaday wafdi kale isugu jira dowladda iyo AMISOM.

Mid ka mid ah Wariyeyaashii raacay wafdiga ee gaaray Kismaayo ayaa sheegay in Wafdiga AMISOM uu hogaaminayay Abaanduule u dhashay dalka Jabuuti, halka saraakiisha kale ee dowladda ay ahaayeen ilaa 10-xubnood oo ah gudi Madaxweynaha u saaray inay qiimeeyaan xaalada Kismaayo iyo arrinta ku saabsan dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo.

Colneyl heystay Ciidamada Kenya ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa u sheegay Wafdiga in aysan ammaankooda damaanad qaadi karin, isla markaana aanay dhaafi karin garoonka diyaaradaha Kismaayo. Maamulka Kismaayo gacanta ku haayana aysan waxba kala socon guddiga Madaxweyne Xasan magacaabey isla markaasna diyaar aysan u ahayn in ay la kulmaan.

Kulan ay yeesheen Saraakiisha Kenya iyo Wafdiga ka socday dowladda iyo AMISOM ayaa waxay u cadeeyeen in aanay u gudbi karin gudaha magaalada xeebta ah ee Kismaayo, isla markaana gudaha magaalada ay joogaan Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni oo go’aan mideysan ka qaatey arrinkaan, ayna u sheegeen in aysan qaabili karin, isla markaana magaalada geli karin.

Intaas kadib ayaa wafdiga waxaa uu dib galabta ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana arrintani ay muujineysa khilaafka ka dhashey markii madaxweyne Xasan Sheekh uu si gambasho aan laheyn u sheegey in Reer Hiiraan ay u madax banaan yihiin iney maamulkooda soo dhistaan, Jubooyinkanka ay dowladdu maamul u dhiseyso, taasoo iyo maamulka gacanta ku haaya iyo dadka deegaanka gobolka Jubooyinka ka careysiisey sheegayna in arrintaasi tahay mid baalmarsan  Dastuurka Federaalka oo aysan marnaba ogolaan karin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan gudi u saaray arrimaha Jubooyinka, iyadoo gudigan oo xubin uu ka yahay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Ameerika oo ay iska hayb hoose la ah madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay in la joojiyo dhoofinta dhuxusha, isla markaana Caalamka tixgeliyo go’aanka dowladda ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista.

Durba waxaa muuqanaya in aanay iska war qabin Talisyada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanay qudhooda si toos uga aamar qaadan Taliska AMISOM ee Muqdisho.

Ciidamada Kenya, kuwa Raaskambooni iyo ciidamada dowladda ee Jubooyinka ayaan si toos ah uga amar qaadan dowladda uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh, waxaana arrintan keeneysaa in dowladda iyo AMISOM oo ay Kenya ka mid tahay khilaaf sida loo wajahaayo  maamulka Kismaayo oo taageero xoogan ka haysta dadka deegaanka degan iyo urur goboleedka IGAD. Waxaana muuqata in dowlada cusub ee Xasan Sheekh aysan laheyn awood baahsan oo ay ku maamuli karto dalka Somalia, iyadoo la ogyahay in Puntland, Somaliland, GalMudug iyo Maamulka Kismaayo intaba aysan leeyihiin maamul iyo awood u gaar ah.

Xafiiska Warqadka Idale News Kismaayo.
Axmed Yoontooy, idalenews@yahoo.com