Garowe(INO)-Maamulka Puntland ayaa war kale kasoo saaray dhismaha maamulka gobalada dhexe ee dalka kaasi oo dhawaan la filayo in shirka maamulka lagu sameynayo lagu qabto Galgaduud.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkaasi la dhisayo aanu wax ka sheegan karin taako ka mid ah gobalka Mudug meelaha maamulkooda ka maamulo.
“Ma sheegan karo maamulka lasoo wado taago ka mid ah ciida Puntland, waadna ogtihiin in DF aynu la galnay heshiis, hadana waan ku celinayaa inta loo qorsheeyay ayuu maamulkaasi joogayaa” Gaas ayaa yiri
Dhinaca kale Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo maamul walba oo loo dhisayo gobalada dhexe ee dalka, ka maamul ahaanna ay kaalin ka qaadan doonaan arintaasi.
Idale News Online, Garowe.