Dagaal Kulul oo dhanka Warbaahinta ah oo Madaxda Muqdisho iyo Kismaayo ka dhex dilaacey

0
214

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in doomo yar yar oo ku sugan Dekeda Kismaayo ay si dhuumaaleysi dhuxu uga rarayaan, isagoo ugu baaqay Caalamka inay ku tixgeliso go’aanka ay ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta.

Wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ayuu Amb. Ameeriko ku sheegay in dowladda ay horay go’aan ay ku mamnuucday dhoofinta dhuxusha soo saartay, isla markaana ay ku taageereen Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub.

“Go’aanka dowladda ku mamnuucday jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha waxaa taageeray Beesha Caalamka, waxaan ugu baaqaya beesha caalamka inay nagu ixtiraamaan go’aanka dowladda”ayuu yiri Ameeriko.

Dhowaan ayey aheyn markii maamulka ka arrimiya jubooyinka diideen in wafdi uu soo magacaabey madaxweyne Xasan oo damacsanaa in wada hadal arrimaha dekada kismaayo la yeesho maamulka gobalka. Wareysi uu afhayeenka ciidanka Dowlada ee Kismaayo Maxamed Faarax ayaa si kulul ugu jawaabey in ay dowlada soo farageliso arrimaha maamulka una sheegey madaxda dowlada ee Muqdisho ku sugan in ay ixtiraamaan dastuurka federaalka ee dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Dekeda Kismaayo ka socday howlo dhuxsha looga dhoofinayay, iyadoo doomo ku soo xirtay dekeda lagu daabulayay dhuxu fara badan oo ceegaagtay magaalada Kismaayo.

Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Jubooyinka ayaa sheegay inay isla garteen saraakiisha ku sugan Kismaayo iyo AMISOM in dhuxusha taal magaalada la qaado, wixii hada ka dambeeya aan dhuxul kale la dhoofin karin.
War saxaafadeed todobaad ka hor ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta, iyadoo la sugayo dhowaan in Golaha ammaanka uu war ka soo saaro.

Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com Kismaayo