Madaxtooyada Somalia oo ka jawaabtay wararka sheegaya in Xulafada Sacuudiga ay isticmaaleyso hawada Somalia

0
220

Muqdisho(INO)Iyadoo inta badan shacabka Magaalada Muqdisho ay isla dhexmarayaan in DF Somalia ay Dowlada Sacuudiga u xalaaleysay Hawada iyo Badda Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay Madaxtooyada Somalia.

Daa’uud Aweys oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa beeniyay in DF Somalia ay Ogolaansho ku bixisay Hawada iyo Badda Somalia si looga duqeeyo Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen.

Isaga oo ka jawaabaya hadal heynta ka taagan Isticmaalka Hawada Somalia ayaa waxa uu yiri“Waxaan filayaa in aysan jirin meel ay dowladda Soomaaliya ka sheegtey arrintaasi, tan kaliya oo ay sheegtey waa in ay taageereyso go’aanka jaamacadda carabta”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri“Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu taageerey go’aanka Jaamacadda Carabta kaasi oo ah in madaxweynaha Rasmiga ah ee Yemen uu yahay mudane Haaddi oo hadda ku sugan dalka Sucuudiga, marka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si toos ah u taageerey mowqifka jaamacadda carabta ee ku aadan dalkaasi Yemen, halkaasi oo uu dalka Sucuudiga ka bilaabay hawlgal ay jaamacadda Carabta raali ka tahay” .

Ugu dambeyntii, waxa uu Tilmaamay in DF Somalia ay shaacin doonto haddii ay jiraan heshiis ay Sacuudiga kula gashay hawadeeda.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here