Gudoomiyaha Degmada Yeed Oo Ka Hadley Go’doominta Al-shabaab Galisey Degmadaasi

0
233

Yeed(INO)-Gudoomiyaha Degmada Yeed ee Maamulka Gobolka Bakool Cabdi Saadaq Duwane, ayaa waxa uu caawa ka hadlay go’doominta ay Ururka Al Shabaab geliyeen Degmadaasi.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa qiray in Ururka Al Shabaab ay xaalad go’doomin ah geliyeen Degmada Yeed, markii ay diideen in gaadiidka ganacsiga ay gudaha u galaan.

“Nimankii nabadiidka ahaa waxay buuxaan wadooyinka soo gala Degmada Yeed, wax ganacsi oo soo geli kara malaha, wax ka bixi karana malaha.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Yeed.

“Xaalad nolol xumo ayaa ka dhalatay wadooyinka ay xireen nabadiidka. Dadka ku nool Degmada Yeed waxay markaan dareemayan xaalad tii ugu xumeyd.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

“Dadka waxay adkeystaanba markaan waa bislaaden, Dowladda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobe ee gargaarka qaabilsan waxaan ka codsaneynaa in gargaar lala soo gaaro dadka deegaanka.” Ayuu sii raaciyay Duwane.

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa xaalad go’doomin ah ku haaya bulshada ku dhaqan Degmooyinkii laga saaray sanadkii tagey.

Idale News Online, Yeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here