Berbera (INO) — Dagaalka ka socday Dalka Yemen ayaa ku qasbay Dad badan oo u dhashay Wadankaasi inay si Qaxootinimo ah usoo gaaraan Soomaaliya.
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in 32 Ruux oo Qaxooti Yemen ah tageen Somaliland,kadib markii ay kasoo qaxeen Magaalada Ticis (Taiz), ee Koonfurta Yemen, halkaasi oo Doontii ay kasoo raaceen ay keentay Magaalada Berbera.
Xafiiska UNHCR Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dadka u dhashay Yemen oo isagu jira Waayeello, Caruur iyo Haween ay tageen Berbera Maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay, waxaana ay intaasiku dartay in kuwa kale ay soo socdaan.
Waa Qeybtii ugu horeysay oo yimid Magaalada Berbera, ee somaliland. Dadkan ayaa Mudo 12 Saac kusoo jiray safarka dhanka Badda ah, waxaana hadda ay degeen Berbera, oo Qaxooti ku yihiin.
Idale News Online – Muqdisho