war culus Oo Ka Soo Baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed

0
249

Muqdisho(INO)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa si kulul kaga hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray madax dowlada ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Shariif Sheikh Axmed, ayaa ugu horeyn ka hadlay Yuusuf Bari bari iyo aqoonta uu u lahaa, isaga oo sheegay iney isla soo shaqeeyeen xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dowladii KMG aheyd ee dalka.

Wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay qaraxaasi oo Alshabaab ay sheegteen masuuliyadiisa, wuxuuna sheegay in Alshabaab ay dhibaato ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa ka hadlay siyaasada dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in xiligaan aan la joojin waqtigii laga fikiri lahaa siyaasad Soomaaliyeed, lana joogo xiligii laga fakari lahaa arimaha bulshada Soomaaliuyeed.

Wuxuu hadalkiisa u muuqday inuu si dadban u weerarayo dowlada madaxweynaha Xasan Sheikh maxamuud, isaga oo ugu dambeyn ka hadlay hayada SAMADOON oo uu ku aasay magaalada London ee dalka Uk.

Idale News Online, London, UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here