Riyadh(INO)-Dowladda Sacuudiga ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay isticmaasho hawadeeda, iyo xuduuda dhinaca badda ee ay wadaagaan Yemen, si ay uga weerarto Jabhada Xuutiyiinta Yemen.
Sacuudiga ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah ah saldhigyada Xuutiyiinta ay ku leeyihiin magaalada Sanca iyo goobo kale, waxaana habeenkii labaad xalay la duqeeyay bartilmaameedyo muhiim ahaa.
Wasiirka Arrimaha Sibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa la filayaa inuu u kicitimo magaalada Riyadh, isagoo haatan ku sugan dalka isu taga Imaaraadka Carabta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Wasiirka kala hadlo dowladda Sacuudiga howl galka Sacuudiga hogaaminayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxaana sacuudigu mamnuucay hawada Yemen iyo badda in maraakiib ka soo dhowaadaan.
Soomaaliya iyo Yemen ayaa wadaaga xuduud dhinaca badda ah, waxaana ay sahli karta goobo istiraatiiji ah in laga weeraro Mucaaradka Xuutiyiinta ee doonaya inay qabsadana dalka oo dhan.
Dowladaha Khaliijka ayaa durba diyaarado ku yaboohaya howl galka sacuudiga hogaaminayo, waxaana dalalka Jordan, Imaaraadka Carabta, Kuwait ay u soo direen diyaarado xarumaha ciidamada Cirka ee Sacuudiga leeyahay.
Sidoo kale dowladaha Pakistan, Sudan iyo Masar ayaa iyana sheegay inay ka qeyb qaadanayaan howl galka lagu difaacayo dowladda sharciga ah ee Yemen.
Iiraan ayaa ka digtay howl galkan milateri inuu sababo dagaalo saameeya dalalka gobolka, waxaana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo.
Idale News Online, Riyadh