Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo Wado Xisbi Siyaasadeed halis ku ah Madaxweyne Xasan Sheikh+Qorshe Cusub

0
214

Muqdisho(INO)-Sida ay wararku nagu soo gaarayaan Wasiiradii hore ee arimaha debeda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa la sheegayaa inay ku howlan tahay sameynta Xisbi lagu jaan-rogaayo Siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xisbigaani oo aan weli helin magaciisa, ayaa waxaa la tilmaamayaa inay kamid yihiin xubno Kuraas ka waayay Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Qorshaha Xisbigaani ayaa waxaa lagu sheegay in Foosiyo ay uga faa’iideysaneyso Hiigsiga cusub ee 2016-ka waxaana kamid ah xubnaha ugu magaca dheer Wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxweyne Xassan ayaa dhex dabaalanaaya Mowjado Siyaasadeed waxaana kusii xoogeysanaayo Xisbiyada ay ku midoobayaan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasadiisa, waxaana suuragal ah in dhamaadka sanadkaani ka hor uu la kulmo caqabado.

Ugu dambeyntii, Tan iyo markii Xukuumada Somalia loo magacaabay Ra’isul wasaare Cumar, ayaa waxa soo ifbaxay Siyaasado muujineysa in Madaxweyne Xassan uu wayay garbihiisa Siyaasada dalka ku wehlinaayay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here