Awdheegle(INO)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in ciidamada AMISOM ay ka baxaan deegaano iyo degmooyin k a tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
C/qaadir Maxamed Nuu Siidii, gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in layaab ay ku noqotay markii ay arkeen ciidamada AMISOM oo faarujiyay deegaanka Awdhiigle iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu jiray hishiis u dhaxeeyay saraakiil k atirsan AMISOM iyo dowlada Soomaaliya, laakiin hishiiskaasi ay ka hor dhaceen ciidamada AMISOM, sida uu hadalka u sheegay Mr Siidii.
“Ka bixitaankooda waa xeelad & hishiis 22 Janaayo sanadkaan dowlada iyo AMISOM ay kala saxiixdeen kaasi oo ah in ciidamada meletariga Soomaaliya ay la wareegaan deegaanada ay baneynayaan, laakiin kedis ayay nagu noqotay”ayuu yiri Sidii.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay iney dalbadeen ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo adkeeyo amaanka deegaanada ay baneeyeen ciidamada AMISOM.
“Annaga waxaa dalabnay in ciidamo badan halkaan la keeno, sababtoo ah si kedis ayay u baxeen AMISOM waxay aheyd in odayaasha deegaanka lala shiro, maamulka lala shiro si amaanka aan la isugu haleyn”ayuu yiri Siidii.
Ugu dambeyn gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanada ay baneeyeen ciidamada AMISOM oo ay ku sugan yihiin ciidamada meletariga dowlada Soomaaliya