Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba oo howlgal ka sameeyay Jazeerada Kudhaa

0
256

Kudha(INO)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Jazeerada Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose, ciidamada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Kenya ayaa howlgalo guri guri ah waxa ay ka sameeyeen Magaaladaasi.

Howlgalkaan oo ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinaayay ayaa la sheegay in ciidamada ay galayeen guryaha, sidoo kalena waxaa Kudhaa ay ka baadigoobayeen dad la sheegay inay xiriir dhaw la leeyihiin Al Shabaab.

Ciidamada Huwanta ayaa Shabaab ka qabsaday Magaaladaan 22-kii Bishan oo ku beegnayd maalin Axad ah, kadib markii Shabaabka ay isaga baxeen Magaaladaasi.

Howlgalka xalay ka dhacay Jazeerada Kudhaa ayaa la sheegay in ciidamada ay ku qab-qabteen dad dhowr ah oo ay la xiriirinayaan inay gacan saar la leeyihiin Ururka Shabaab ee Magaaladaasi dhawaan isaga baxay.

Saraakiisha Maamulka KMG ee Jubba weli faah-faahin kama aysan bixin howlgalka iyo tirada rasmiga ah ee ay ku soo qab-qabteen, inkastoo Saldhiga Magaaladaasi la geeyay dadkii lasoo qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen ciidamada oo gaadiid ku kaxeynaya dhalinyaro ay qab-qabteen, kuwaasi oo qaarkood guryahooda laga soo saaray.

Ciidamada Huwanta ayaa ku guda jira xaqiijinta ammaanka Jazeerada muhiimka ah ee Kudhaa oo ka tirsan Jubadda hoose.

Idale News Online, Kudha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here