Muqdisho(INO)-Waxaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ay ka jawaab ceiinayaan Waraysi uu Warbaahinta siiyay marka ay Taariiqdu ahayd 21/3/2015 Hanti Dhowraha guud Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax warkaas oo meel kudhac ku ahaa sharafta & karaamada Xafiiska Hanti dhowrka.
Waxaa wax lala yaabo ah in hanti Dhowraha guud ku eedeeyay todoba ruux oo ka tirsan Shaqaalaha Hanti Dhowrka uu ku eedeeyay in ay Laaluush ka qaateen Wasaaraddihii ay baarayeen islamarkaasna uu sheegay in ay baaris ku socoto hase ahaatee waxaa nasiib daro ah in hanti dhowrayaashii hore ee ka soo shaqaynayay Soomaaliya xiligii ay marxaladaha aadka u adkeyd illaa hada.
Waxaa shaki ku jirin dadka uu soo eedeyay Dr Nuur Faarax ay ka mid yihiin rag naftooda u huray in ay bad baadiyaan habsami u socodsiinta M/mulka Dowlada islamarkaana u dhabar addeegay sixida & ku dhaqanka shuruucda maamulka iyo maareyntiisa in maanta uu garan waayo hanti dhowraha guud qiimaha ay ku leeyihiin howlahooda isagoo aqoonin howlaha hanti dhoornimo waayo aragnimo u lahayn in uu ku tilmaamo dad laaluush qaato, iyo in shaqadii laga eryay taasi waxa la mid tahay oo ay ka turjamaysaa waxa uu sheegayo ay tahay wax aan sal iyo raad lahayn sida uu sheegay.
Waa nasiib daro in uu warbaahinta ka sheego Hanti dhowrka,
1-in uu yiri 19 wasaarad ayaan ku hayaa Xatooyo,
2- waxaa laygu weeraray xafiiska madaxtooyada waana laygu dili lahaa.
3- waxaan ka eryay xafiiska hanti dhowrka guud shaqaalle 7 ruux ah taasoo oo been abuur ah.
Hadaba waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in hadalka kasoo yeeray Hanti dhowraha guud uu yahay mid ka fog xaqiiqda ujeedadiisuna tahay in uu ku qariyo waxa uu sheegayo qaladaadka uu sida tooska u gallayo taasoo ka mid ah dacwaddii ay kasoo qoreen shaqaalaha hanti dhowrka ee tiradooda ka badneynd 40 ruux oo dhamaan ka mid ah shaqaallaha hanta dhowrka oo isugu jira rag iyo dumar..
Waxaan si cad u sheegaynaa in Hanti dhowrka uusan ehel u lahayn shaqada uu hayo xirfadiisuna tahay IT, waxaa sidoo kale xusid mudan in uu Nuur Faarax uusan awood u lahayn shaqadan Xasiiska hanti dhowrka qaranka uuna marin habaabinayo Shaqada qaranka ee saxda ah.
Idale News Online, Muqdisho.