Kampala(INO)-Safaarada Dowladda Mareykanka ee Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa soo saartay digniin la xiriirta suurtagalnimada weeraro ka dhaco Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
War kasoo baxay Safaarada ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka aysan tagi karin goobaha Bulshada ay isugu yimaadaan iyo sidoo kale goobaha baararka ah ee lagu caweeyo.
Safaarada waxa ay sheegtay inay hesho macluumaad ku saabsan weeraro ka dhici rabo dalka Uganda, waxaana sidoo kale digniintaan ay u jeedisay dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan dalka Uganda inay galaan feejignaan dhanka ammaanka ah.
War kasoo baxay Safaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Muwaadiniinta Mareykanka u dhashay ee dalkaasi tagaya, si deg deg ah Safaarada ay ula xiriiraan si loogu sheego macluumaadka dhanka ammaanka ah ee Safaarada ay hayso.
Safaarada ma aysan sheegin cida qorsheynaysa weeraradaan ay heshay macluumaadkeeda, hayeeshe waxa ay bixisay kaliya digniinta ay u jeedisay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay iyo kuwa reer Galbeedka ee Kampala ku nool.
Mareykanka ayaa dhawaan xiray Safaarada uu ku leeyahay dalka Jabuuti, sidoo kale Mareykanka wuxuu xiray dhamaan Qunsuliyadihii uu ku lahaa dalka Sacuudiga, sababo ammaan awgeed.
Dowladda Mareykanka ayaa mar waliba soo saarta digniinaha caynkaan ah ee dhanka ammaanka la xiriira, inkastoo qaarkood ay sax noqdan, kuwana aysan rumoowin.
Shabaabka Soomaliya ka dagaalama ayaa horay weeraro uga geystay dalka Uganda, gaar ahaan Magaalada Kampala.
Uganda ayaa ciidamo badan oo dalkeeda ka socda waxa ay ka howlgalaan oo ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Kampala