Maarso 26, 2015 Idale News (INO): Magaciisa waa Maxamed Cali Akbar, waxa uu jiraa 50 sano, waxa uuna kasoo jeedaa dalka Bangaladesh, waa xaasle leh 3 caruur ah. waxa uu shaqo usoo doontay dalka Boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu soo iibiyay Beer weyn oo uu ku lahaa dalkiisa Bangaladesh, maxaa yeelay waxa uu waligiis ku taami jiray inuu mar uun soo booqdo magaalada barakeysan ee Makka Almukarama iyo magaalada Madiina Almunawarah.
Maxamed Cali Akbar, waxaa u suurtagashay inuu tago Sacuudiga, mudo 2 sano ah ayuuna ku sugnaa umana suuragalin inuu tago magaalooyinka Makkah iyo Madinah Almunawarah, waxaana arintaas ay ku abuurtay walaac iyo niyadjab, asigoo arintaas ka sheekeeynaya waxa uu yiri.
“Halkaan waxaan imid 2 sano kahor iimana suurtagalin wixii aan ku haminaayay oo ah inaan tago magaalooyinka Makkah iyo Madinah, arintaas walaac xoogan ayay igu abuurtay iyo inaan iska ooyo, waxaan tuugay ALLAH inuu ii rumeeyo riyadeyda, waxaan aad u jeclaa inaan soo cumreyso soona xajiyo”. “Ilaa iyo hada ma xajin, maxaa yeelay waxaan rabaa ineey Xaaskeyga ila xajiso, Allah uun ayaa og inaan aadi doono halkaas iyo inkale”. Intaas kadib maxaa ku dhacay Maxamed Cali Akba
Maxamed Cali Akbar ma’uusan filaneen waxa ku dhici doona ee uu Allah u qadaray, waxa uu la kulmay shil aad u xun oo uu si layaab leh kaga badbaaday,laakiin shilkaas waxaa ku dhintay darawalkii Baabuurka ay isku dhaceen Baabuurkii uu watay, waxaana lagu xukumay inuu dhiibo diyada darawalkii dhintay oo qiimaheeda lagu sheegay 300 oo kun oo Riyaalka Sacuudiga ah, laakiin ma’uusan awoodin inuu bixiyo lacagtaas waana la xiray, waxa uuna maleeyay in xabsiga uu kujiri doono inta noloshiisa ka dhiman.
“Anigoo wata Gaarigeyga ayaa waxaan arkay Shinbir dhex taagan wadada, anigoo eegaya Shinbirka ayaa waxaa ii yimid oo i garaacay Booliska iguna amray inaan wadada baneeyo, laakiin waxaa horteyda si kedis ah uga soo baxay wiil dhalinyaro ah oo wata Gaari, sidaas ayuuna shilka ku dhacay” ayuu yiri Maxamed Cali Akbar.
Maxamed Cali Akbar, wado kale uma furneen oo aan ka ahayn, inuu raali ku noqdo xukunka ALLAH ee ku dhacay iyo inuu ku samro musiibada ku dhacday, ficil ahaana wuxuu ahaa nin aad u samir badan ahlu diin ah, waxaana jeclaaday oo ka helay dhamaan maxaabiistii kula xirneyd xabsiga iyo xataa ilaalada xabsiga, asigoona Imaam u noqday Maxaabiistii la xirneyd. Kadib markii uu in mudo ah kujiray xabsiga, waxaa u timid arin la yaab leh oo uusan marnaba ku fikirin ama ku riyoon. Waxaa xabsiga kusoo booqday Hay’ad madax banaan oo qeyri ah oo Maxaabiista arimahooda daneysa, waxaana loo sheegay in laga bixiyay lacagtii diyada, wixii haatan ka danbeeyana uu xur yahay, asigoona markale dib u dhadhamin doona macaanta xuriyadda. Maxamed oo aad u faraxsan, ayaa u mahadceliyay raggii kasocday Hay’ada qeyriga ah ee ka dhiibtay diyada, waxaana uu dukaday 2 rakco oo Salaad Sunno ah.
Idale News Online