Muqdisho(INO)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo cusub oo ka mid ah xooga dalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Kumaandooska, kuwaa oo aad u qalabeysan.
Ciidamadaan ayaa lama filaan ay ku arkeen shacabka magaalada Muqdisho, ka dib markii Tababar uu usoo dhamaaday, waxaana ka muuqata haybadda ciidankii Kumaandooska dalka lahaan jiray.
Waxa ay haystaan hub casri ah oo u gaar ah, gaadiidka dagaalka iyo calanka kumaandooska, iyadoo dad badan ay is weydiinayeen ciidankaan waxa ay yihiin, balse markii dambe loo sheegay in Kumaandooska yihiin.
Ciidamadaan ayaa ka aqlaaq wanaagsan kuwa kale ee DF, waana kuwo ay ka muuqato u heelanaanta difaaca dalka, iyo la dagaalanka qas wadayaasha, waxaana muudo ka dib shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen in ay soo laabatay mid ka mid ah gacmihii ciidanka.
Idale News Online, Muqdisho.