Muqdisho(INO)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilowday dadaal xowli ku socda oo lagu sameynayo maamul goboleed cusub oo ku soo biiraya maamul goboleedyadii kumeelgaarka ahaa ee nidaamka federaalka, kaasoo noqonaya maamulkii ugu danbeeyay ee maamulada la sameynayo.
Qorshaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh bilaabay ayaa ah sidii maamul kmg ah loogu sameyn lahaa Gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Qorshahan oo hore loo hadal hayay ayaa waxaa barbar socday in mid kale oo ku saabsanaa in Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay noqdaan maamul goboleed, Muqdishana ay gaar ahaan u yeelato maamul sharci gaara lagu maamulo.
Kulan madaxweyne Xasan Sheekh toddobaadkan la yeehay xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha Hawiye ayuu ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe lagu sameeyo maamul goboleedka saddexda gobol ee caasimadu ku jirto, waxaana lagu wadaa in muddo saddex maalmood ah oo maanta ku eg loo saaro guddi howshaasi kasoo shaqeeya.
Dhinaca kale waxaa socda dadaalka lagu doonayo in maamul lagu dhiso maamulka goboladda dhexe oo lagu wado inuu shir uga furmo degmada Cadaado.
Idale News Online, Muqdisho.