Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 4aad: Abla-Ableynta Sinjiyada Lo’da

0
1032

Lo’da iyo Abla- Ableynteeda: Qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika iyo qaybo badan oo dunida ah ayaa ay beeraleyda lo’doodi ku dhexdhaqdaan xeryo halkii ay ka foofin lahaayeen si ay u soo daaqdo.

Habkan xoolaha dhaqashadda ah waxaa la yiraahdaa Xero Ku Hayn. lo’da habkani lagu dhaqdo waxaa lagu quudiyaa cawska la yirahdo “bal”kaas oo lagu dhexsiinayo xeryaha .dhaqashada lo’da ee noocani waa ay ku yer yiihiin dalkeena soomaaliya.

 Abla-Ableynta Lo’da Santiifiko Ahaan.

Kingdom Animalia
Phylum chordata
Class mammalian
Order Artiodactyla
Family Bovidae
Sub-family Bovinae
Genus Bos
Species Bos primigenius 

Sinjiradda Lo’da Aduunka

 Waxa jira labo sinji oo lo’da ah ee aduunka lagu dhaqdo,  waxey kala yihiin:

  1. Bos Taurus ama sheko(European type).
  1. Bos Indus(zebu).ama large African zabu ,waa  tan soomaalida dhaqato.

Haddba waxaan ka hadleynaa nooca (zebu) taasi oo nooceedu aad uga badan yahay wadanka soomaaliya iyo wadanka aaynu jaarka nahay ee Itoobiya. waxaa jirtaa 75 sinji oo lo’da zubu loo yaqaabno .tan European-ka ah waxaa laga helaa qaaradda yurub iyo wadanka suudaan  waxa loo dhaqaadaa caano .

 Astaamaha Lagu Garanaayo Lo’da Zebu ama Sheko.

  • Waxey lee yihiin kurus(fatty humped)
  • Dhego dhaadheer
  • Waxay lee yihiin Macalo waa weyn (large dewlap)
  • Waxey uurka sidaan 281 maalmood (gestation period).

 Magacyadda lo’da Soomaaliya

Waxa loo yaqaana East Africa short horn(zebu). qeebaha zebu dalka soomaa waa afar qaybood oo kala ah:

  1. Dawaara
  2. Gasaara
  3. Suruqo
  4. Booran

Neefka labka ah ee lo’da waxaa la yiraahda “DIBI”( bull),oo aan la dhufaanin,kan dhediga ah waxaa la yirahdaa “SAC”.marka ay yaryeryihiin waxaa la isku dhahaaa wayl iyo Aalo.

 Sinjiyada Lo’d Zebu Ee Dalk Itoobiya.

1.   Abyssinian short horn: waxa laga helaa bartamaha dalka itoobya sida;Bale,Horor,shewa,Sidamo iyo dhulka hoose ee Ogadenia waxaan loo yaqaana Ethiopia higher land zebu.

2. Lo’da senga:waxey isugu jirta 3 qaybood ee dalka Itoobiya:Abigar,Danakil iyo Raya-Azebo.

3.  lo’da zenga(the zengo cattle):waxey isug jirtaa 3 qaybood oo kala ah :Arado,Fogera,iyo Herarro.

Arado waxey ku badan yihiin waqooyiga Sire,Adwa, iyo qiiba kamid ah “Agame” gobalak Tigrey

 Ujeeda Loo Dhaqdo Lo’da

 Ujeedooyinka loo dhaqdo  lo’da waxay ka la yihiin:-

1. caano ahaan

2. hilib ahaan

3. sida qodashadda beeraha

4.  qaar loo dhaqdo labo ujeedo hilib iyo caano.

waxa lo’da qaar loo dhaqdaa si loo  maalo iyo si looga helo badeeco caaneedsida subaga iyo burcadka.lo’daasi  waxaa ka mid ah(Firishiyaan,dawaara iyo jersi).

Kuwa helibla loo dhaqdo waxaa ka mid ah( Booraan, iyo Aberdeer Angos).iyo Sidoo kale Kuwa loo dhaqdo hilib iyo caano waxaa ka mid ha (Suruqo iyo gasaare)

 W/Q: Xasan Ismaciil Isaaq( Xasan Basha)-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here