Madaxweyne Xassan oo kulamo gaar gaar ah la qaadanayo Odayaashii soo xulay Barlamanka Somalia

0
230

Muqdisho(INO)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo Xubno Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada ay wadaan qorsho ay ku fashilinaayo in Doorasho ay Somalia ka dhacdo 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa inuu isku uruurinaayo Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, kuwaasi oo uu kala arinsanaayo in Xildhibaanada matala ay dhagta ugu sheegan in la taageero go’aanada suuragalka ah inuu kaga hor imaado dadaalada Hiigsiga Cusub maadaama ay Dowlada Somalia heysan wakhti ku filan oo ay ku sameyn karto Doorasho.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in arrintaani uu u xil saaray gudi ka tirsan Madaxtooyada oo isku uruurinaayo Odayaasha, iyadoona la filaayo inuu kala hadlo Arrimaha ku xiran Siyaasadaha wakhti kororsiga Dowladiisa iyo in laga cadaadiyo Xildhibaanada.

Arintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Xildhibaanada ay dhowr jeer ku adkeysteen go’aan ah in DF Somalia aysan la imaankarin hami ay ku siyaadsaneyso wakhtiga.

Ugu dambeyntii, Waxaan la Ogeyn go’aanka uu Madaxweyne Xassan kala kulmi doono Odayaasha lafdhabarka u ah dhismaha Baarlamaanka Federaalka, inkastoo arrintaani ay u muuqaneyso mid aysan wax ka bedeli karin Odayaasha, maadaama ay Beesha Caalamka faraha kula jirto.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here