Wasiirka Dhaqan Celinta& Tababarka Maleeshiyada Ee Dowlada KGS Oo Maanta Kormeerey Xarun Lagu Tababaraayey Ciidamo Boolis Ah.

0
360

Baydhabo(INO)Wasiirka wasaaarada Dhaqan celinta iyo Tababarka Maleeshiyada Ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Xasan ayaa maanta  booqadey xarun tababar ugu socodey Ciidamo boolis ah  oo  isla markaana Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Yeelaneyso.

Kormeerka wasiirka ee Xaruntaasi, waxa ku wehelinaayey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Isla markaana waxaa halkaasi  ka hadlay wasiirka wasaaradda Dhaqan celinta iyo tababarka maleeshiyada KG Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xasan iyo weliba saarkiil kale kuwasoo kula dardaarmay ciidanka iney dadkooda ugu adeegaan aqoonta ay ka kororsadeen ee tababarka ah.

Ciidamada Tababarka ku jirey ayaa waxay soo bandhigeen gaado ka cayaar ku saabsan waxyaabihii lagu tababaraayey sidaoo kale, waxayna  tiradooda ay garayeen ilaa 600 oo askari.

 Ciidanka  Booliska ah ee tababarka  ku jira  ayaa la baraayey tabo muhiim ah oo ay isticmaalaan ciidanka booliiska, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ka hortagga dembiyada, baarista meydadka, iyo sida looga hortago rabshadaha abaabulan.

Ugu dambeyntii  wasiirka  Wasaarada Dhaqan celinta iyo Tababarka Maleeshiyada Ee Dowlada KGS Xasan Xuseen  ayaa u balan qadayay ciidamada uu maanta la hadlayay in dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya   intii awoodeeda ah ay dhisi doonto ciidamada qalabka sida  waxa uuna kula dardaarmay inay   Deegnada Gobolada KGS  ka difaacdaan cadow walbo oo ku soo xadgudba.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here