MN(INO) Abuukar Armaan oo ka mid ah Soomaali uu shir uga socdo magaalada Minneaplis ee gobolka Mennisota ee wadanka Maraykanka ayaa ka warbixiyey waxyaabaha uu ku saabsan yahay shirka halkaa uga socda iyo cida soo abaabushay.
Abuukar Armaan ayaa sheegay in shirka ay iskugu yimaadeen aqoonyahanno Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in shirka looga arinsanayo kaalintii aqoonyahanka Soomaaliyeed ay ka geysan karaan marxaladda adag ee dalku uu xiligan ku jiro iyo sidii xal loogu heli lahaa dagaalada sokeeye ee dabada dheeraaday.
Shirka ayuu sheegay iney ka qaybgalayaan dad Soomaaliyeed oo ka madax bannaan faragalinta beesha caalamka,wuxuuna tilmaamay iney shirka marka uu dhammaado ay kasoo saari doonaan talooyin ku saabsan sida loo xalili karo dhibaatada Soomaaliya.
Abuukar Armaan ayaa u sheegay VOA laanteeda afka Soomaaliga in shirku uu horudhac u yahay shirar kale oo dabajooga kuwaasoo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay kaga tashanayaan aayaha dalkooda hooyo,wuxuuna carrabka ku dhuftay iney wadaan qaab la mid ah gobanimadoonkii oo lagu raadinayo xalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, MN