Puntland oo dib uga guratay heshiiskii ay la gashay DF Soomaaliya

0
333

Garowe(INO)- Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in wax hishiis ah oo dhanka Qeyraadka, Dastuurka iyo arimo kale uusan kala dhaxeynin dowlada Soomaaliya.

Saciid Xasan Shire, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo saxaafada kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya wafdiga ka socda ay kusoo dhaweynayaan magaalada Garoowe.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay Guddoomiyaha ku-xigeenka Baarlamanka iyo Guddoomiye ku-xigeenada ay kulmeen,annaga iyo Dawlada Federaalka,haday Dastuur tahay,haday Khayraad tahay iyo haday Shuruuc tahay waxaan heshiis ku nahay ma jirto’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay sababta keentay inuu soo mari waayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo sheegay iney ku qasabtay in wax hishiis ah uusan kala dhaxeynin dowlada Federaalka.

“Muqdisho waxaan usoo mari waayay waxay tahay hishiis Dastuuri ah, mid qeyraad iyo mid qeyraad naga dhaxeeyo, laakiin idiinka waan idoon soo dhaweynayaa”Ayuu hadalkiisa kusii daray.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here