Abukaate Cumar”Gudiga garsoorka waxay ahayeen caqabad”

0
468

Muqdisho(INO)-La taliyaha madaxweynaha ee xagga sharciga Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle ayaa u sheegey in mid ka mid ah sababihii loo kala direy golaha adeegga garsoorka ay ahayd in ay caqabad ku ahaayeen in dalka laga helo caddaalad.

Isaga oo sharaxaya sababaha loo kala direy golaha ayuu Abukeete Cumar yiri “Golaha hadda jira waxa uu ku dhisanyahay xeer nambar 51 oo ku asteysan 19kii bishii labaad sanadii 2012-kii, uu soo saaray madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, marka aad fiirisid 9-ka xubnood ee golahaasi waxa ay ka koobanyihiin guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer illaaliyaha guud, 3 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare, iyo 4 qareen, dastuurka hadda jirana sidaasi si ka duwan ayuu qorayaa, wuxuu qorayaa maxkamadda dastuuriga ah, maxkamadda sare, xeer illaalinta guud, 3 qof dadweynaha laga soo xuley, guddoomiyaha gudiga xuquuqul aadanaha iyo 2 qareen, sidaasi darteed qaab dhismeedka ay u dhisanyihiin ma waafaqsana sida uu dastuurka sheegayo”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa kale oo uu yiri “Arrinta kale ee muhiimka ah ee keentey in la kala diro waxa ay tahay, golahaasi adeegga garsoorka, sababta loo haayay mudadaasi dheer in uu sharci daro ku jiro waxaa ugu muhiimsanayd in la dhamaystiro dhismihii xubnihii kale ee lagu badali lahaa, sharcigaasi wuxuu soo baxay , sharci nambar 28 ayaa la yiraahdaa, 30kii bishii June 2014-kii, mudadii ay shaqaynayeen golahan adeegga garsoorka waxyaabaha laga rabay in ay ka shaqeeyaan si kmg ah haba u jiraana waxaa ka mid ah in ay wax ka qabtaan cabashooyinka dadweynaha, ee caddaalada darada baahsan ee dalka jirta , gaar ahaan caasimadda in ay ka jawaabaan, ma aysan dhicin taasi, maxkamadihiina waxay noqdeen meel aysan ku gar naqsan karin dadka, waxaa diidey in wax laga qabto arrintaasi golihii adeegga garsoorka”

Wuxuu golaha ku eedeeyey in ay qaadeen talaabooyin qaldan oo sharci daro ah, taasi oo madaxweynaha ku kaliftey in uu indhaha ka daawan waayo “Waxaa dhacday in garsoorayaal aanan sharciga waafaqsanayn oo aanan imtixaamkii laga qaadin in ay garsoorayaal noqdaan, oo uusan madaxweynaha dikreeto kusoo saarin, in la shaqaaleeyey oo qaarkood ay xukuno rideen, xukunadaasi haddii dib loogu noqdo waa baadil, dad baa xarig ku jira, dad baa u dhiman karay, marka in ay sii socoto sharci daro, in golihii adeegga garsoorka qeyb ka noqdo, sidaasi darteed waxaa soo baxaysa in jiritaankooda ay dhib ku tahay in caddaalad la helo, madaxweynaha go’aanka uu soo saarayna”

Mar aan wax ka weeydiiney goorta lasoo dhisayo golaha adeegga garsoorka ayuu sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhisayo inta hadda laga gaaro ee suurogalka ah, kuwaasi oo uu sheegey haddii 6 xubnood ama 7 xubnood ay noqdaan ay ku filantahay in ay si sharci ah u shaqo galaan, inta hartayna gadaal laga soo dhamaystiri doono.

Mid ka mid ah caqabadaha heysta in lasoo dhiso golaha adeegga garsoorka waxaa ka mid ah maxkamadda dastuuriga ah oo iyadu dhismaheedu ay qasab tahay in ay soojeediyaan golahani adeegga garsoorka, sidaasi darteedna ay qasab tahay in la dhiso gole qabyo ah, kadibna uu golahaasi ka shaqeeyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah.

Xubinta kale ee golaha adeegga garsoorka ka dhiman ayaa ah guddoomiyaha xuquuqul insaanka, kaasi oo ay tahay in wasaaradda xuquuqul insaanka ay soo gudbiso, kadibna uu baarlamaanka ansixiyo.

Tani waa sharaxaaddii ugu horeysey oo faahfaahsan oo kasoo baxaysa madaxtooyada, tan iyo intii madaxweynaha uu kala direy golaha adeegga garsoorka.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here