Madaxweyne Xasan oo durbaba bilaabey dhaqankii dowladihii hore burburiyey ee adeegsiga lacagaha iyo qeybi oo xukun

0
207

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa bilaabey kulamo uu taageero ugu raadinaayo xubnaha golaha Wasiirada ee dhowaan uu magacaabey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.  Xildhibaanada Barlamaanka intooda badan ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaaruhu wax shaqo ah ku laheyn magacaabista xukuumada, isla mar ahaantaasina aan loo madax baneyn shaqada xukuumada iyo soo xulista xukuumad  leh tayo haysatana taageerada golaha shacabka iyo dadka Soomaaliyeed guud ahaan.

Maalin ka hor magacaabistii golaha cusub ee xukuumada Saacid, ayuu madaxweyne Xasan bilaabey inuu xildhibaanada siiyo lacag lagu sheegey guno oo gaareysa 2000 US Dollar (Labo Kun oo Doolar); Isku_aadinta gunada iyo magacaabista golaha wasiirada, waxay dadka Soomaaliyeed oo howlaha socda dusha ka eegaaya u fasirteen  in madaxweynuhu wado dhaqankii Somalia halakeeyey ee laaluush bixinta iyo faragelinta shaqada barlamaanka. Waxaase muuqata in Madaxweynuhu weli cashar ka qaadan khaladaadkii hore ee isqabqabsiga dowladihii isaga ka horeeyey gaar ahaan barlamaanka iyo xukuumada oo sabab u ahaa laaluush keeney in la waayo  barlamaan la xisaabtama ama ilaaliya sharciga barlamaanku ummaddu u wakiilatey.

Haddaba, Madaxweynaha ayaa bilaabey inuu marba koox xildhibaano ah kulamo la yeesho si uu taageero ugu helo ansixinta  Golaha Wasiirada, dadka Soomaaliyeedna waxay dhowrayaan talaabada barlamaanku ka qaadan doonaan meel marinta ajandaha madaxweynaha iyo in uu wax badan ka bedelnaan doono barlamaanadii kmg ee dadku ugu magacdareen “BARLAMAAN BEESO” ama “Barlamaanoow Xaal Qaado” oo maalinta danta laga leeyahay un la isticmaalo.

Musuuliyiinta dowlada ayaa inta badan sheega ama ku hadaaqa in ay la dagaalamayaan musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga dadka Soomaaliyeed dib u dhaca ku keeney, hase ahaatee marka ay tageen xafiiska maamulka dowlada la arko in ay ku balan furaan shacabka, musuqa dowlada ka dhex jiraana noqdo fursad dhaqaale oo dadka gudaha iyo kuwa dibada kku nool intaba u soo shaqo tagaan.

Idale News Muqdisho.