Daawo: RW, Itoobiya Oo Shaaciyey In Ay Wiiqantay Awooda Al-shabaab

0
446

addis Ababa(INO)-Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo wareysi siinayay CCTV ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya sida dagaalka lagula jiro Al-shabaab,hormarada laga gaaray nabada iyo deganaashaha Soomaaliya iyo Hiigsiga cusub ee 2016-ka ay ku taameyso Dowlada Federaalka in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. 

Mr Hailemariam Desalegn oo ugu horeyn la weydiiyay su’aal ku saabsaneyn xaalada hada ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ku jawaabay in hada Al-shabaab ka tabar yar yihiin sidii hore,isagoona arintaasi ku micneeyay in ay Kooxda ku soo boobtay weerarada ay qaadayaan mid ku dhifoo ka dhaqaaq ah.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa cadeeyay in Al-shabaab ay marayaan heerkii ugu danbeeyay,islamarkaana kaliya ay u baahan yihiin in si taxadar ah loo daba galo.

Sidoo kale,ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo wax laga weydiiyay xilliga Ciidamadiis ay ka dhamaanayaan Soomaaliya ayaa wuxuu ku jawaabay ‘’ Waxay ku xiran tahay sida hormar looga gaaro deganaashaha iyo in la xaqjiijiyo Dowlad rasmi ah,sidaad ogtahay 2016-ka dalka Soomaaliya waxaa ka dhacaya doorasho,waana guul doorashadaasi,Hadii Dowlada Soomaaliya awood u yeelato inay la wareegto sugida amniga dalkeeda,taasi waxay keeneysaa in Ciidamada si tartiib tartiib uga baxaan Soomaaliya.

Dhanka kale,ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa wareysigiisa ku soo hadal qaaday dhismaha maamul u sameynta gobolada dalka oo ay garwadeyn ka tahay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay ra’iisal wasaaraha in dhismaha maamulada muhiim u tahay Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana horseedeyso in dalka uu xasilo.
Ugu danbeyntii, Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan hormarka iyo dadaalada lagu doonayo in nabad looga xasilo Soomaaliya.

 

Idale News Online, Addis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here