Diyaarado dagaal oo duqeeyay guriga uu degen yahay madaxweynaha Yemen

0
214

Cadan(INO)-Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystey dhismaha uu ka degen yahay magaalada Caden madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Masour Hadi.

Saraakiil ku sugan dalka Yemen ayaa waxa ay sheegeen in hubka lidka diyaaradaha lagu ridey diyaaradihii soo weeraray xarunta madaxweynaha Yemen iyagoo kadib dib u laabtay.

Wararka ayaa sheegaya in la arkay qiiq ka soo baxaya xarunta madaxweynaha Yemen. Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in gantaaladii ay soo rideen diyaaradaha ay ku dhaceen buur u dhoweyd xarunta uu madaxweynaha degenaa.

Dad ku dhowdhow madaxweynaha Yemen ayaa sheegay in laga saaray madaxweynaha xaruntii uu ka degenaa Caden lana geeyay goob kale oo aan la shaacin.

Diyaaradaha duqeynta geystey ayaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen qaar ay duulinayeen ciidamo daacad u ah mucaaradka Xuutiyiinta oo maamula xarunta dalka Yemen ee Sanca.

Kahor intii aan weerarka cirka ah lagu qaadin magaalada Caden ayaa iskahorimaad hubeysan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Caden halkaas oo ay ku dhinteen shan ruux.

Magaalada Caden ayaa ahayd xarunta madaxweynaha Yemen kadib markii uu bishii la soo dhaafay ka soo cararay magaalada Sanca. Mucaaradka Xutiyiinta ayaa ku qasbay madaxweynaha Yemen in uu ka cararo madaxtooyada Sanca kadib markii ay xabsi guri geliyeen.

Xuutiyiinta ayaa waxa ay cabsi ka qabaan in madaxweynaha Yemen uu ku xoogeysto magaalada Cade nee dadka Sunniga ah ay ku xoogan yihiin.

Idale News Online, Cadan, Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here