Madaxweyne Dr. Gaas Oo Wado Qorshe Ka Dhanka Ah Maamulka Khaatumo State

0
238

Garowe(INO)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qorshe aan caadi ahayn ka damacsan maamulka Khaatumo State oo dagaal kula jira Somaliland, halka loolan siyaasadeedna kala dhaxeeyo dhanka maamulka Puntland.

Warar hoose oo ay heshahay Shabakada Idale News Online  ayaa waxay sheegayaan in hadda uu socdo abaabul xoogan oo Gaas wado, taasi oo lagu doonayo in awood looga saaro maamulka Khaatumo meelaha uu haatan maamulayo.

Ilo wareedyo aynu ku kalsoonnahay ayaa inoo sheegay in ciidamadii ugu badnaa xilligaan ladiyaarinayo si ay ula wareegaan meel walba oo ay joogaan rag ka mid ah maamulka KhaatumoState.

Sababta tani uu Gaas u sameynayo waxaan ku ogaanay maadaama uu damacsan yahay in uuSomaliland weerar ku qaado in aysan suurta gal noqon karin in Laba maamul hal mar saf loo maro, sidaa darteed ay u haboonaatay inuu weeraro dhanka Khaatumo.

Mid ka mid ah saraakiisha maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay shabakada Idale News Online  in duulaankaan uu yahay mid aan dheereen xilliga la qaadi doono, islamarkaana saacadaha soo aadan laga yaabo in wax badan ay isbedalaan oo weerarka la qaado.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here