Hooyo Soomaaliyeed oo fal argagax badan kula kacday wiil ay dhashay

0
238

Ceelbuur(INO)-Wararka naga soo gaaraya Degmed Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacaay fal argagaxbadan oo ay geysatay Hooyo Soomaaliyeed.

Hooyadaani ayaa la sheegaya inay ka xanuunsaneyd dhanka maskaxda islamarkaana xili uu xaanuunka kusoo kacay ay dishay wiilkeeda xili uu jiifay.

Hooyadaani ayaa dilka wiilkeeda oo ahaa 18-jir u adegsaday torey, iyadoona dilka kadib isku dayday inay meydka wiilkeda ku dhex xabaasho aqalkeeda hayeeshee waxaa kusoo baxay dadka deegaanka.

Cabdinaaasir Cali oo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqijiya in Hooyadaasi gacanta lagu dhigay islamarkaana Su’aalo laga weydinaayo falka ay geysatay, wallow uu sheegay in looga jiro maskaxda.

Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in dilka ka hor ay isku buqeen Hooyada iyo wiilkeeda kadibna markii uu seexday ay la dhacday tooreeyda ‘’mindi’’.

Ugu dambeyntii, Meydka wiilka ayuu sheegay in iminka lagu aasay duleedka Degmada Ceelbuur, mana jiraan wax faah-faahin dheeri ah oo laga helaayo dilka wiilka.

Idale News Online, Ceelbuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here