Biixi “Somaliland ma hor fariisan doonto Soomaaliya, iyadoo Beesha Caalamka aanay ka qeyb galeyn”

0
205

Hargeysa(INO)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay mar dambe hor fariisan doonin dowladda Soomaaliya.

Biixi ayaa mar kale waxaa uu dusha uga tuuray dowladda Soomaaliya mas’uuliyadda bur burka wada hadaladii Istanbul ka dhici lahaa.

“Somaliland waxaa ka go’an in aanay marna la fariisan doonin Soomaaliya, iyadoo aan la dhex gelin, waxaa aniga oo hogaaminaya Shan wasiir aan tagnay Nairobi, Beesha Caalamka ayaana u sheegnay in bur burkaas ay ka mas’uul tahay Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Biixi Yoonis oo wareysi siiyay BBC-da.

Mr Biixi ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay diyaar u yihiin IGAD ay dhex dhexaadiso, isagoo xusay in Itoobiya inay kala hadleen arrintaas.

“Si deg deg ah waxaa u codsaneynaa in arrinta Somaliland iyo Soomaaliya uga soo qeyb galaan Beesha Caalamka”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo intaa ku daray in marna aanay ogolaaneyn in dad u dhashay Somaliland ay la fariistaan dhinacooda.

Inkastoo wada hadaladii hore u dhex maray labada dhinac ay garwadeen ka ahaayeen dowladdaha Jabuuti iyo Turkiga oo dhowr jeer lagu kulmay.

Hase ahaatee lama oga hadalkan ka soo yeeray Somaliland waxa uu cuskan yahay, iyadoo horay dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Somaliland ay diiday inay soo hor-fariistaan wafdigii dowladda matalayay wada hadaladii bur buray ee Istanbul.

Idale News Online, Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here